Halkan waxaynu ku soo bandhigaynaa mahadhooyin, oo sida aanu jecelnahay u badnaan doonta mahadhooyinkii dadka ugu caansanaa ama leh mahadho la taaban karo oo saamayn ku leh nolosha Soomaliyeed ,kuwaasoo aynu had iyo jeer u soo qaadan karno inay tusaale u noqon karaan ummada,
Maalintii Cumar Daahir
Is ku gooyay cayaartiyo
Nin Caloolacad joogay
Oo Meygaag Ciiden war qaatay
Waa cibaaro qabaayoo
Belaayuu curufkeediyo
Camalkeeda yaqaane
Waar tolow, colka jooja!
Nin habeenno casheeyay
Cadar aan hadh lahayn
Iyo ceeryaamays ugu toosta
Oo inuu caafiyaddiisa
Cabbaar meel la fadhiisto
Caqligaanay gelayne
Waar tolow, colka jooja!
Carabkaan ku hadlaayona
Nin callenti caddaatiyo
Caamadaan garanayn oo
Kolkay caruuri dhintaane
Cutub weyni cidlaataa
Lays canaanan haddhowe
Waar tolow, colka jooja!
Labadiinnan cuure
Is u coobe ridaayow
Cidna ways u xignaa
Ciilna ways u qabnaa
Canla na waa is ogayn?
Shantii Caadle lahayd
Iyo curadkii habartay iyo
Cali Fiin ma illaawin
Oo raggii ceeriga yiilla
Cabasaannu ahayn
Oo Jaamacii calmanaaye
Codkar noogu horreeyiyo
Rabjaan baydin cayaayir
Iyo caado dhaaf ku disheen
Oo haddii aad is cuntaan
Idin caabudan maayo
Oo waa intaan mid la ciidmi
Oo ka kaleeto ku ciiriye
Waar tolow, colka jooja!
Intii baad cantarteen oo
Cunkadaydin marteen
Oo meydkiinnii cammirraa ye
Candhadheerta dhurwaa
Iyo ciidda haaddu ku jiidday
Iyo cuqduudkii ka baxdeen
Oo cosobkii Balanbaal
Iyo caleentii Karamaan
Oo Cayn baa oo gudhsateen
Oo cambartii geela dhalaysiyo
Adhaa ceegan guryaa e
Waar tolow, colka jooja!
Nin carruur iyo maato
Iyo calli reero la yaal
Oo I coofaaya golaa
Oo cararaaya had dhow
Iyo nin colaad talinaaya
Oo caddaystaydinka buuxa e
War tolow colka jooja
Gabaygan wuxu la socdey geeraarka dheer ee Sallan Carrabey ku kala hagoogtey Faarax Cabdulle(HJ) oo inta is maan-dhaafeeen damcay inay is cidhib jaraan. Gabaygan wuxu Salaan soo qaadanayaa beelo isku caw beelay oo ku cibro qaadasho mudan.
Digniin: Gabayga waxan ka qoray cajalad tayadeedu liidato oo meelo badan baa khaldan Sixiddiisana akhristayaasha sharafta leh baan ka sugayaa.
Digniin: Gabayga waxan ka qoray cajalad tayadeedu liidato oo meelo badan baa khaldan Sixiddiisana akhristayaasha sharafta leh baan ka sugayaa.
Gabayga wuxu Salaan (Rahimahu Laah) ku halqabsanayaa Baashe Shabeelle oo yidhi "Salaanoow maad nimankan wax kala tidhaahdid".
Baashoow dudaa gabay ma jiro nin igu doorshaaye
Kolbaan diririyaa sida cirkoo di'i kaliishiiye
Meeshay daroorrin u tahaan doob ka dhaliyaaye
Dabuubtaan la yeedhana ragbaa doorsha abidkiiye
Waa daabac aan go'in midkaan doca bilaabaaye
Hadba xarafka igu soo degaan demin wareerkiiye
Dux markaan ka garan waayey baan daayeyoo dhigaye
Xaluunbaan dikriyey sida wadaad Diin u haajiraye
Daad-xoorta iyo Mawjaddaan kala dabbaalaayo
Dacartaan qalbigu hayn karayn daartay feedhaha'e
Waa daafa-yare kii horee an idin deeqsiiyo
Dibna waxan u idhi maanso waa duciyo hawraare
Dushaan kala faqaa niman haddaan war u daliilayne
Reer Faaraxaa kala dunmee kala duddeynaaya
An u digo Ducaale iyo Seed ha igu diideene
Dalaalkuu laqwiyey reer Shirdoon Dalabsigii eedye
Dareenkuu Warsame moodayiyo dihashadii waaye
Dab siduu qabsaday reerihii dagida loo laayey
Nin Doorrada lumay iyo ooriyaa dulugle ooyaaya?
Wax Ibraahin daalibahayaa col iyo duullaane
Bah-Gudabiirsi dannab baa ku dhacay digashadi Faafe
Reer Geeddigii debedda maray daadi amarkiiye
Sidii Ina Dagaal loo khatalay idinka diimoone
Nimanyohow tolnimo waa dugsiye dunida jeedaasha
Dunjiga Nuux Ismaaciil tashiga daaha laga saarye
Dalanboobigii Dhamal wixii damac la'aa raacye
Dagaal Reer Axmeda wiilashii Carabta diiqaayey
Xasan dabaye?Reer Jaamacaa kala dabayl raacay
Shir la dedey dabbaaldeg iyo Naash dawashada geedka
Deelqaaf fagaaruu ibleys kugu dukhuulaaye
Dibno hadal ka yimi baa raggaa loogu daw galaye
Nimanyohow tolnimo waa dugsiye dunida jeedaasha
Reer Sugulle dakhar wiilyar baw sidey daliishiiye
Waatii degmada laysu furay dabadi Looyaade
Denbi hadduu kasbaday Eebbeheen daayinaa jirae
Dullaamkii Qabriga hawga tudho dabaqi naareede
Dummaddii Xirsuu saaran yahay Dubur raggii yiile
Dawlaabadii boqor hadduu damacsanaa waaye
Duudsuu ku dhacay ina Ammaan dar u heshiintiiye
Nimanyohow tolnimo waa dugsiye dunida jeedaasha
Reer Cali-Geraysugu darraa dil iyo qoomaale
Durba waranka waysugu dhaqsaday dooxanaa madhane
Waa dawri buuhoodlahay dir u lahaayeene
Waayadanba dabataa fadhidey daallinoo colahe
Ku dibsade Daboolan iyo Gegan danabbadii yiille
Dekenadii qabaalkana ninkii duriyey qoondeeye?
Dabkuu Aadan shiday Ina Galaydh dalabsigii eedye
Danbarkeeda dhaxal xaajaduu doortay Reer Gorode
Nin dardaarankii Cumar ogaa mudanihii daaye
Nimanyohow tolnimo waa dugsiye dunida jeedaasha
Ararsame dulmaa kala qabsaday dirirti Caymeede
Daaroodba maqal xaajadii daahirka ahayde
Dadku hadduu ka nixi reer Wacays dalaflihii raacye?
Ma degdego nin Dirirtii ogaa dooxadii Garab'e
Derisbaa ku dhacay reerihii dawladda ahaaye
Duunkeeda belo waa helaa nin u dedaalaaye
Goortuu cilmiga daahirshuu Fiqi duceeyaaye
Diintana wadaad kuma aflaxo xaqa ka doodaaye
Duunyadatan kama liidataan daaqi geedaha'e
Iyaba waa is doontaan hadday kala dibboodaane
Kulay Deeradiyo Cawsha tahay doqoni waa liide
Nimanyohow tolnimo waa dugsiye dunida jeedaasha
Dayax soo iftiimiyo qoftaad dahabka moodeysey
Wax Dallaayad laysugu mergedey darabki saarraye
Jeeroo dabriyo lays cuskaday doori iyo weerar
Cali Duullaneba diid xaajadaan dawga ku ahayne
Daaqiyatal-Mawdkii dhadhami uu durraansadaye
Daahdaaha waabberi colkii la is dabbaalsiiyey
BihiDarays ma deyn reer jibriil digasha-loolkiye
Ninna Faarax kama daawo gelin caynki loo dilaye
Dugaagbaa calfaday reerihii daribta weynaaye
Nimanyohow tolnimo waa dugsiye dunida jeedaasha
Duska bari Dubeerin iyo Karin lagu dubaaqawye
Rag dalleensey Nuux Maxamedkii inagu deyraaye
Daaraha la ridey Soolamadow dumarka ooyaaya
Dubayeeyda naagaha, hablaha debedda meeraaya
Sow kama diqootaan ilmada dibiqle guudkiinna
Haddaanse deyey dayaca reer Barraw darane?
Col dareeray duukiyo lalabe dayr kastaba joogta
Dannadayska Muusihi badnaa duraha jiilaalka
Daleelii Wareeg baa la dhigay duca-qabeenkiiye
Dalkii waxa qabsaday Reer Warsame dixida weynaaye
iminkay dermada soo fureen Daranti Tiigeede
Ragba mudanihiisaw derbiya da' iyo Gaashaane
....
Dudda reero loo furay haddii degel la waaheelo
Duleedkaa mus laga joojiyaa dibadda dhawreede?
Meeshii daleel ah buu libaax dagi ka eegtaaye
Anuunbaa dibbiro-ciil qaboo dudaya waa noole
Damqanmaayo reer Faaraxaan ducuminaayaaye
War yaan idin dirdirin waano aan dunida aafeynin?
Colkan habar Jeclada loola dudi?Duulkalaw furane
Alloow yaa caruurahan durdurin kala dillaameeya
Salaan Carrabey oo ahaa Inan-La-Yaal ayaa loo tirshey afarreydan soo socota. Gabayga ciddii tirisay way is caddayn weydey ayadoo Ismaaciil Mire, Cabbaase, iyo Cali Dhuux marba mid lagu sheegay inuu tirshey. Gabayga oo loo badiyo Ismail Mire iyo Cabbaase waa mid anshax-xun oo ninkii inan-la-yaalka ahaa ee qee gabadha ka qabay ayay meelo aan rag laga tilmaamin ka sifeeyeen. Ayagoo Caatonimo ku caayaya Salaan waxay yidhaahdeen.
Haddii Kabadhe khayr leeyihiyo kadab la iidaamo
Ama lagu Kashbaco oo Qaxwuhu badhida kiilaayo
Kaadsada Salaan baan futadu kaxankaxawdeene
Markii gabaygii la qiran weydey Salaan wuxu go'aansaday inaanu gabyine uu tirsho geeraarkan kooban ee uu ku bilaabay.
Haddii Daaral-Fardawska
Faakhiriinta nimcoon
Janno laygu furaayoon
Fee Geeraar ku helaayo
Kani wayska Faqiire
Dhaaxaan mid fagaaya
Fagaaraa ku wanaagsan
Falkiyoo ka dhaqaaqay
fufunnaaga i caayey
Ismaaciil Futo sheeg
Iyo ma facaysto Cabbaas
Oo Filkaygaanay ahaynoo
Fa'iidaan iiga kordheyne
Fulihii Cali Dhuuxeen
Fagaaraa imanaynine
Siduu faal u rogaayey
Hadba qoon faqinaayey
Baa Fekerkeygu jiraaye
Sida fooraha roobkoo
Farrax meelleh ku hooroo
Fidhadii ka danbeysey
Faddaaddeeyey dhulkiibaan
Ku fuuqfuuqsan lahaayoon
Fidhfidhkaa la arkeen
Nin kastoo furmo qaatana
intaan foodda qabtaabaan
Fanjallays u dilaa
Rag ninkaan faro saarana
Fakalloon cabsiyeed iyo
Wadnuu fawda ma daayo
Inkastood is fiddeeysoo
Fly duula sidiissa
Fattac booddo tidhaahdoo
Cirkaa fooqa sareetiyo
Fiiqa iiga jawaabo
Dhulkuunbaan fadhiyaayoo
Iga foori ma doontid
Ee Fadligii habartay iyo
Furaashkii Cawo Dhoobliyo
Gobta Faarax Garaadiyo
Dhulbaan fiirinayaayoo
Kaaga fool-gabxayaa
Gabaygan soo socda wuxu Salaan u tiriyey Dekeeya oo ahayd xaaskiisii labaad oo uu isagoo da' ah guursaday. Gabaygan wuxu la socdey gabayga "Luukaansi" ee uu Salaan seediyaashiis ugu quus-dhebayo.
Dekeeyaay dulmaan kugu qabaa waa hal ii daranne
Rag dil waa geyaa qadafse waa lagu dulloobaaye
Xaajada daciifkii qalbiga waa dan-damaqdaaye
Rag dil waa geyaa qadafse waa lagu dulloobaaye
Xaajada daciifkii qalbiga waa dan-damaqdaaye
Anuunbaa dulqaadanahayee durug dhawaaqiiye
Oo waataa dubaaqada qalbiga doogtey wadaniiye
Iminkaan dibbiro ciil ka baqan inan dillaacaaye
Oo waataa dubaaqada qalbiga doogtey wadaniiye
Iminkaan dibbiro ciil ka baqan inan dillaacaaye
Awrkii da'furay geela way deris colloobaane
Oo waakaa duleeddada fadhiya diif wuxuu qabo'e
Dardar waxa leh Doob iyo Abeer dihin abiidkoode
Oo waakaa duleeddada fadhiya diif wuxuu qabo'e
Dardar waxa leh Doob iyo Abeer dihin abiidkoode
Inaad darar xogdale iigu dudi waan ku duun garanne
Dabro Oday ma laasimo hadduu dooxanaa rido'e
Dedaalkiisu waa kol iyo Laba inuu ku duukhaaye
Dabro Oday ma laasimo hadduu dooxanaa rido'e
Dedaalkiisu waa kol iyo Laba inuu ku duukhaaye
Dafse adaa i soo yidhi markaad damacsanayd Guur'e
Waatii da'daan ahay wax badan lay dabbaal-degaye
Dadka wax iga liitaa ku badan lana daryeelaaye
Waatii da'daan ahay wax badan lay dabbaal-degaye
Dadka wax iga liitaa ku badan lana daryeelaaye
Ma darbayso? Fiqi Aw Cabdiba dahabadiisiiye
Intay marada duuduubatay duqa xanbaartaaye
Ruuxii dayiba uunku waw wada duceeyaaye
Intay marada duuduubatay duqa xanbaartaaye
Ruuxii dayiba uunku waw wada duceeyaaye
Inad durriyad ubad yeelatana duugga la arkeeye
Eegana ducuun kuma jiree waxan ku doorsiiyey
Daartii Casayd iyo Xafiis inad ku daalayso
Eegana ducuun kuma jiree waxan ku doorsiiyey
Daartii Casayd iyo Xafiis inad ku daalayso
Iyo inaad Dalaaq kuma gashide daasan gurigaaga
Gabadh yahay dantaa garo aniga hay dardaar werine
Gabadh yahay dantaa garo aniga hay dardaar werine
Tuducyadan soo socdaa waxay ka mid ahaayeen gabay uu Salaan Carrabey u tirshey Ina Cabdalla Xasan. Geela la magac baxay Gundheere marka la qaaday buu ku aadanaa gabaygani
Soo dhammee gabayga.
Fircoon baa cilmiga sheegi jirey Shiikhna ma ahayne
Naagaha Shan buu wada qabaa sheyna weheshaaye
Basanbuur ilaah uma shiffayn sharaf wanaagiiye
Shafku haatan soo godey sidii shuqubo naareede
Shiinena an keennee haddaan shagacgal kaa weyney
Waynoo Shihiid dirir xumaa naga shaqayseene
Naagaha Shan buu wada qabaa sheyna weheshaaye
Basanbuur ilaah uma shiffayn sharaf wanaagiiye
Shafku haatan soo godey sidii shuqubo naareede
Shiinena an keennee haddaan shagacgal kaa weyney
Waynoo Shihiid dirir xumaa naga shaqayseene
Tuducyadan Hoose oo halqabsi noqday oo uu tirshey Salaan Carrabey (Allah ha u naxariistee) ma hubno in ay ku jireen gabaygan kore iyo inuu gabay goonni ah ahaa.
Shansha adhiba shirixaa danbaa shuuxa abidkiise
Shahwo oday ka qaaliban abitiga shaashadii xumiye
Shahwo oday ka qaaliban abitiga shaashadii xumiye
Markii Salaan tiriyey gabayga "Haadaaqsi"la baxay ee uu Cali Dhuux ugu jawaabayey ayaa sida la sheego Cali Dhuux soo tirshey afarrey uu Salaan ku caayayo. Wuxu yiri Cali Dhuux;
Salaanow Kalaamkayga gabay waw kal tiriyaaye
Kursi uguma soo yuurursado kiishadoo madhanne
Kun jeerbuu habeenkii ciyaa kelebka qayshaaye.
Cali dhuux oo afxumada lagu yiqiin ma aanu mahadin eraygaa ka soo baxay oo waxa salaan u tirshey gabay uu mariyo kii ugu dheeraa. gabaygan oo illaa 185 beyd gaadha wuxuu salaan ku baabi'inayaa Cali Dhuux. Gabayga intiisa hore wuxuu ku tilmamayaa sida aysan u sinnayn isaga iyo Cali dhuux hadday noqoto Deeq iyo gabay midna.
Gabaygan oo ka mid ah GUBA wuxuu Salaan (raximahu Laah) ku bilaabay :
Gabaygan oo ka mid ah GUBA wuxuu Salaan (raximahu Laah) ku bilaabay :
1. Gooshaashka adhi waa gu’ iyo geedo iyo roobe
2. Mar hadday xareeduhu gudhaan gamashi weeyaane
3. Dadkoo guuray gaajiyo haraad geeddi iyo hawkar
4. Guufkii magaaliyo adoon goror biyood haysan
5. Geelbaa godlada maalintuu reer gabaabsiyo e
6. Isagaan gablool iyo lahayn gaagax abidkiiye
7. Gabno tarantay waxay gaasirta gool an kuu dhaline
8. Ma Gudboona gacal haybistiyo gaayadii xumiye
9. Haddii aad gammaankiyo fardaha gole ka jeedleyso
10. Heensaha magaan lagu guroo gaabiyaan nacaye
11. Guluf baxaya guuraha habeen gaade iyo haayir
12. Ma gudboona geenyiyo sengaha geda-gedeeyaaye
13. Rag uunbaa gabbaanada u sida biic gorgoradiiye
14. Gasab waxay ku kala iibsadaan shayba ganacdiye
15. Guurdoon haddaad tahay asaad guunyo bixinayso
16. Waa gaadan jirey inan ninkii goosan karayaaye
17. Gabadh waliba waa hooyadeed tay u gurataaye
18. Goonbaartu waxay caasidaa midaanay gaadhayne
19. Ma gudboona gaarida sare iyo gidirta naaxdaaye
20. Ragna guudka waysaga egyahay goynse kala roone
21. Genbi-Waranka gaashaanka ficil goray dagaalkeeda
22. Guddi murantay waayeel garramay xaajo lagu guulay
23. Gacantiyo gasiin laga baxshiyo guriga hawshiisa
24. Gobanimo dhammaanteed haddii laysu wada geeyo
25. Ma gudboona geesiga hanta iyo gocorka caayaaye
26. Guuguuluhuna waa shinbiro giririf leeyaaye
27. Aniguna gurbood lama hadlee gari hadday joogto
28. Ganba-qabadka waataan ka tegey soo gunaafadhaye
29. Ma gudboonin giiclaha waqtigan soo gadaal baxaye
30. Fulaa arar la gabagaabsadee waan gagabiyaaye
31. Hadduu gedmiyo giiryaalahay gole ka caayaane
32. Anse waxaan garraaddo u dhigaa dhulay ka goojaane
33. Gooshqaadka iiguma baxdee gaban kalaan baanay
34. Sida goray gantaal iyo fallaadh lala gabraaraayo
35. Ama goonidaaqyada biciid ganis ka yaabaaya
36. Cali wuxu la gabargaalayaa waa gabbanayaaye
37. Gaadmada ragbuu kaga il helay wayse soo gabiye
38. Rabbaa wacad gondaa kuugu xidhay waadna gogataaye
39. Aduunbaa geyiga uunka yaal gubaya waa noole
40. Hadba inad Garrida duul ku tumi galuhu noo keenye
41. Afkaagaaba Geydh lagu dilay iyo Gaanni berigiiye
42. Webuu ka gudbey reer Dalal sidii loo gabbaanadaye
43. Gabangoobi madhanbuu qamaan gawda ku hayaaye
44. Goobaalka Haro waadan arag Giganihii Meyde
45. Golfofihii lafaha haatan buu gigi waraabuuye
46. Hadday beladu kugu goonni tahay waad ka gubataaye
47. Geesaaska Dhugad bay ilmadu gabaxda haysaaye
48. Geel doono iyo ways xigaan geesa dhiiglihiye
49. Wax galaaftay Reer Sugulahaa gala tidhaahdeene
50. Gaadiidka raray ciidagale goloslihii awre
51. Gurgurkii biyaha loo dhammee gurana loo yeelye
52. Guntiguu ku wada jiidan yahay Geydha? uu qabo'e
53. Ku gaddaanme Reer Cali intay gebagebeeyeene
54. Guuyoobe iyo Arabna waa gooshka soo bixiye
55. Nimankii galbeed degi jiroo gaadhan baa yimiye
56. Imikay Gurdumi baaqayaan Gibil raggii yiille
57. Wax ka guro Goglaba looga carar gulufka Rer Shiikhe
58. Fulaa arar la gabagaabsadee waan gagabiyaaye
59. Hadduu gedmiyo giiryaalahay gole ka caayaane
60. Anse waxaan garraaddo u dhigaa dhulay ka goojaane
61. Gooshqaadka iiguma baxdee gaban kalaan baanay
62. Nin Gurracan guntino waa dishaa ama garraaxdaaye
63. Garbadduubka Xadhigbaa ii ekaa inaan ku giijaaye
64. Miyuu Odhahda gooddiyi yaqaan waa raggii Golole
65. Haddii uu garkaa maro ratigu ama gugii qooqo
66. Isagoo gulaanjiyey cidlada wuxu ka guuxaaba
67. Markuu godoxoblaha baarqab helo gadan bidhaantiiye
68. Gadhmalayte gaalooftankuu gadac is moodaaye
69. Sidan gafayo geedkiyo shirkuu guruxa taagaaye
70. Is gaaxeedhiyaa waan burburin Gaarridaw jilane
71. Gablankuu wadaadkii baday iyo gelengeshuu joogo
72. Garaadxumadu waa waxay Bah Geri ugu ganbeeyeene
73. Nimankii is wada gawracaad gaarriyoow tahaye
74. Gaaraayacuuniga baryada lagu galooleeyey
75. Dhudub iyo Gallaadduu u tegey gabastan sooreede
76. Isagaa guryaha Keenadiid goobabayn jiraye
77. Gorgorkaa ku cuni ayda uu sii gannaashtamiye
78. Shaydaan u godadleynaya bay gumaro moodeene
79. Hadba gedef la kacu waa waxay gam isku siiyeene
80. Waa kaa nabsiga soo guntaday gooradaw sudhanne
81. Googeynta iyo cayda waa la I geyeysiine
82. Gardarriyo isyeelyeel hadduu goor walba u joogo
83. Gaashaan an lala kaadsanayn geeri baa xigiye
84. Aduunbuu gondaha kaaga dhici kaad gilgilaysaaye
85. Fulaa arar la gabagaabsadee waan gagabiyaaye
86. Hadduu gedmiyo giiryaalahay gole ka caayaane
87. Anse waxaan garraaddo u dhigaa dhulay ka goojaane
88. Gooshqaadka iiguma baxdee gaban kalaan baanay
89. Gudcurkaba Gollidu waa cidaa Gawra dhaxmeede
90. Gulaal anigu kuma taagsan karo soo gadhaaciyi'e
91. In Gunaanad kugu waajib yahay waxa gunteediiya
92. Nin Gasiirad kugu oodi baad daba geleysaaye
93. Gabal dhacay Gudoodiga habeen guure iyo haayir
94. Cir Guduudda Waaberi markuu galawgu Eedaamo
95. Haddaad gama’san tahay Eyna waa kugu gadoodaaye
96. Halkii uu gasiin bidi jiruu gii'da ka hayaaye
97. Sacba waxa gunada loogu dhigay yuu gardiidamine
98. Haddii aan Gandaal lagu sabayn Gocay ma buuxsheene
99. Nin gargaari jirey naagahaa gaba abiidkoode
100. Abaal ma gude gobeybaa ka roon kuu gabraar tagae
101. Hawraarta qaar baanan geyin inan gorfeeyaaye
102. Nin Gedaadda Xaraf kaa badshaan Gaatiryow Ahaye
103. Meeshay gantadu kaaga taal garan ma waayeene
104. Geegaalidaan sari lahaa gaadhay lawyada e
105. Xabaal baan ku gaw siin lahaa goof intaan qodoe
106. Gaaroodi baan marin lahaa gumucyadii hawde
107. Sidaan kuu Gammuunayn lahaa wayska gees mariye
108. Guul baan cidina kaa gaadhahayn lib iyo geeraare
109. Fulaa arar la gabagaabsadee waan gagabiyaaye
110. Hadduu gedmiyo giiryaalahay gole ka caayaane
111. Anse waxaan garraaddo u dhigaa dhulay ka goojaane
112. Gooshqaadka iiguma baxdee gaban kalaan baanay
113. Gujiskii baddaan uga dhignahay gebiga Daaroode
114. Gildhigaamadaa ii gingiman gaadadaa simane
115. Gaardiga sarkaaluba ma ledo goor habeennimo'e
116. Nin Isaaqa godobtiis baxtaan gaadhka ka hayaaye
117. Rag hadduu Garbadho xaajadii waa galgalataaye
118. Goodaadsi Doqonbaa taqaan Gawdhis iyo ceebe
119. Gelbis bay Ladqabo yeelataa goobta dabadeede
120. Maantuu gaboobiyo markuu gaban ahaa wiila
121. Waa waxaan Garduur iyo ka tegin Godanka ciideede
122. Waa badaw caqligu gaaban yahay guurtinays bidaye
123. Ninba inuu garaadkiis hadlaa gedihi weeyaane
124. Isagoo gunaafyo xunxun oo go’ iyo qayraanleh
125. Oo gorofta caydheed sitay mid u gangaameene
126. Waxay gabayday habar Yoonistii siisay naag gobahe
127. Tolkaybaa gulguluca I badee gocondho meesheede
128. Marse haddii aan is galabayn naqaan aniga way guule
129. Hadday gumaradii noqon lahayd quulle iyo goone
130. Amuu gudimaduu sidan lahaa gali ugaadheede
131. Cirkoo soo galgaallieyey hadduu godol cusbooneeyo
132. Guulaamo wuxu soo kacshaa geydha dabadeede
133. Gal biyo leh gelgelin roob helaa galab la laacaaye
134. Anse webi Ganaanaan ahoon laga geyoonayne
135. Gantaashaba ma qayrsado ninkii Gumuc cabbaystaaye
136. Isna wuxu la goobyaalayaa Goonbiya Carbeede
137. Dadku aniga igu gaadayiyo gabay xumaantiisa
138. Sow wuxuu garwaaqsanahayaa gocasho ciil maaha
139. Fulaa arar la gabagaabsadee waan gagabiyaaye
140. Hadduu gedmiyo giiryaalahay gole ka caayaane
141. Anse waxaan garraaddo u dhigaa dhulay ka goojaane
142. Gooshqaadka iiguma baxdee gaban kalaan baanay
143. Halkuunbaa gamaanyada hurdada Gaadh laguu dhigaye
144. Gabiirkaba dhameeyee aday gogoshu kuu tiille
145. Nin Adduunba gaafadi arkoo guuna baan ahaye
146. Inkastuu garmaamiyo gucliyo gaaguf ula joogo
147. Gurdan baqal fardaha gaadhi waa lugana kaa geeye
148. Kuwan u gayfan gaaja huwiska iyo garab wagliilkayga
149. Cali Gerigan ii soo gurmaday ama Garaad Faarax
150. Giddigood ha ii gudafaqeen hana gandeeyeene
151. Guubaabo haysugu jireen guudcaddiyo wiile
152. Gashi niman ku leeyahay haddaan galabtadaa qaysho
153. Ma gefina arligu waa gubtaa ama gariiraaye
154. Geesiga Cimraan iyo Sanbuur gobollo reer Dood ah
155. Sida Goolibaadhkuu Kufrigu Qolo ku Gaasaaye
156. Samanaha galdhiidhiya markuu gamasku dhiigeysto
157. Gawraarka Cumarkaa xukuma galaxyadii buurta
158. Gol iyo Garadag reerahaa looga kala guuray
159. Musaa Gureedha bari jiriyo gaanki reer Maxamed
160. Guutooyinkaan shirinayiyo galida yeedhaysa
161. Mar hadaan gundhawrka u tuntumo guuldarraa dhiciye
162. War sow nimaku gacalkay ma oga gaannanaa xarafku
163. Gosol is mooddey gaadeeryadii guban ku naxdaye
164. Gusku nimu ku yaallina mar uun ways gaasabixiyaaye
165. Ismaaciil Gugurtiyo kuwaa geydha laga keenay
166. Hadday aniga garac ii fileen goob cidla ah taaagan
167. Nin gal di'ay Galmadhan looma diro gooysa Qoodhaha'e
168. Kunka ficilka geylama intaan gaadhanka u reebo
169. Gammuute iyo keliyaa ku filan Gun-iyo-baar-eege
170. Fulaa arar la gabagaabsadee waan gagabiyaaye
171. Hadduu gedmiyo giiryaalahay gole ka caayaane
172. Anse waxaan garraaddo u dhigaa dhulay ka goojaane
173. Gooshqaadka iiguma baxdee gaban kalaan baanay
174. Rag genbiyey gadiid maalin iyo garamihii leylka
175. Isagoo guhaadtami tashiga wuxu garraaxaaba
176. Dhanuunbay isugu guubiyaan odayo guulaaye
177. Waayeelna waa uu guntaa gurudanbaynteede
178. Xaajona gungumo loo faqiyo garaw hadday weydo
179. Inay giririf layso iyo in ay gole-fardoodaaba
180. Gebagebaha hal an gaaxsaday waw gunnayn jiraye
181. Nabsi galabsigiisaa hayee waxan ku soo gooyey
182. Gardaro iyo ahab goorwalbaba laysma gees wadoe
183. God madow haddaan laygu ridin way gallad ilaahe
184. Gefimaayo geerida horteed geydha aan qaboe
185. Waataad dad iga gaashatee gini-adayg yeelo
Hadaaqsi Dib U laabo
Salaan Carrabey oo Dalka debedda uga maqnaa markii Cali Dhuux bilaabay GUBA, kuma aanu degdegin danna kama lahayn nimanka Daarood ee isu gabyaya. Cali Dhuux markii uu arkay in Gabayadii istaageen ayuu dhowr goor gabayo iska daba tirshey si ay silsiladdu u sii socoto. Markii taas uu ku guulaysan waayey ee laga aamusay ayuu bilaabay inuu Rag uu Salaan ka mid yahay oo aan silsiladda ku jirin soo gelsho. Isagoo arinkaa ka duulaya wuxuu cali dhuux afaarrey ku yidhi.
Cali Dhuux Faa'iido kama qaadine waxaa u jawaabay Salaan Carrabey iyo ina Nuur Fadal. Salaan halkaas ayuu ku galay silsiladdii guba isagoo kaga qayb galay gabaygan iyo kan kale ee ka sii dheer ee la yidhaahdo Gooshaash ama Gujis.
Ogaaden Hadhuuudhkyo sidii hilibka loo boobye
Nin waliba hadhuubuu toshiyo haamo gooniyahe
Nimankaan harraadkiyo aqoon hawdka maristiisa
Kulay habar Jecliyo Ciise tahay waa ka helayaane
Haweenkuna hadday doonayaan inay hidiidaane
Wuxuu yidhi Salaan Carabey (raximahu Laah);
1. Haadaaqsi Gabay waaya dheer haansa ma lahayne
2. Hiirtaanyo godobtaan ku nacay hibashadiisiiye
3. Hawaala warran mooyee si kale wawga haayiraye
4. Goortaan hammiga gaabsadaa layla hiishadaye
5. Hadba nin igu haansaday anaw hela jawaabtiise
6. Dhaaxaan mid hanaqaad is biday so hoggaan baraye
7. tixdaan hidiyo haaneedsigaan hoodo ku lahaaye
8. hal abuurka layguma higsado soo hadaaf baxay
9. Hooyaalayntaan kaga badshaa haybad iyo luuqe
10. Haasaasahaa laga gartaa hagar la'aaneede
11. mar haddaan hullaabta iska rogo soo hankaabsadaye
12. An hawadiyo hoosada Burciyo Herer ka geeyeene
13. Kuma hiilo heeliga fulaa la handabeeyaaye
14. anse wacan haagaag uga marshaa heel la ii wacaye
15. Inaan oday hangaafa ah noqdiyo haydhaf la i moodye
16. Hig ma siiyey hawraarta way kala halleeyaane
17. Heeraabta ma u dhigay intaan heesna daba joojey
18. maansaba hogbay leedahee meel ma ka habawshey
19. Afartaa intaan ha'da ka deyey hilin ma qaadsiiyey
20. Caawana hiyiba waa hiyee hadal kalaan baan baanay
21. Halaq didaya waw halis nimuu boqon haleelaaye
22. Waabeeyo lama hoorsan karo huurtayoo kariye
23. wiyil lama hunjaalliyo adoon hootanuu sidane
24. Laga haarri hooriga libaax soo hamaansadaye
25. Nimanbaa maroodiga hunduda haamahuu sidae
26. Hayinnimo markii lagu arkay haragga saareene
27. Hoobaaq mid waw qodi jirey ee heegadiyo roobka
28. Baddoo huguntay hoohiga sabaac ee lagu halaagmaayo
29. Bal maan hakiyo hir u laacaybaan ku hafin doonaaye
30. Caloow laguma helo geel sidaad u handanaysaane
31. Qabiila hindiyi maalinbay ka hinjisaa duule
32. Idinka hoortay meel uun haddaa hollin lahaydeene
33. Hadhuudh daatay idinkaa ka qaday haqab la'aaneede
34. Damal Haajihii laga hirqaday ways hunda ogeyne
35. Waatii lagaa hiray adoo qaba hammuuntiiye
36. Huwan maraga waatay ahayd hadhaci waabnaaye
37. Hadiyad miyaw bixiseen naftuunbaa hamadiseene
38. Nin sagaaro heetaynayoo haaban kari waayey
39. Oo aan hunguri waa shiddee hed uga yaabaynin
40. Haawaydu kama maaranteen heejigaa dhalaye
41. Haleelada ma daayeen nin cunay hilib ugaareede
42. Haaraanka iyo faanka wayska hidda raacdeene
43. Rag haddaad u haysiyo barbaar halabsatoo fuusha
44. Mar uunbaad u heensayn lahayd hawlyaraan subaxe
45. Heegaale kama qayliseen hoga kaliileede
46. Goortaan hadhkaba kaa eryaad hawd u cararteene
47. Waa kaa hubkii sida raggii wada hareednaaye
48. Habarwaana waa kaa hingilan labadii haamoode
49. Shirsooruhuba hoy maleh kuwaad hilib wadaagtaane
50. Waa kaa hayaankii ku dhacay Hoobayiyo xeebe
51. Ararsame ma haybsado nugaal hogashadii ceele
52. Hanas iyo abaar kulu adoo habaqle soo guurey
53. Caynaba hadhuub kama dartaan hoga kaliileede
54. Ka hulleele Hagar aadankii hoobalayn jiraye
55. Aduunbaa hayaayda u guntane heeryo lagu saarye
56. Afartaa ha'da intaan ka deyey hilin ma qaadsiiyey
57. Caawana hiyiba waa hiyi ee hadal kalaan baanay
58. Habar Yoonis waataa hantiday haradi ciideede
59. Iminkay hundiyo reer fureen harawidii faafe
60. intay hootadii garab dhigeen himidhna loo geeye
61. Ku hinjiye colkay humin jireen caliyo haaruune
62. Wax Ammaadin webigaw hirdiyey harabku waa khoofe
63. Huurkii shabeelluu galee hure banaaankiiye
64. Huubhuubsigii lagu idlee hurinti Jeeraare
65. Nimankiihawada weyn lahaa haatan lagu leefye
66. Ka hidiidnay hodankii barqiyo hibadi ceel Fuude
67. Hayruufka Dalal bawga dhiman hegerbi Daaroode
68. Maantana hablaha loo dhisay ku hamranaayaane
69. Haydaaro cadaw looma tudho heermay boqontiiye
70. Ma hanbayne Dunidii hantiye taniyo Hiiraane
71. Aduunbaa hinaayiyo u jilan haawis iyo ceebe
72. Haadaa qabiiliga Isaaq hibo ilaah siiye
73. Aniguna halkaad degi jirtaan ka hawisaayaaye
74. Hadba waxa ku soo gocan sidaan kuu harraatiyaye
75. Hibashada xun waa lagu yaqaan Habar Xabusheede
76. Waataad haween nagu xustee haad ma ku cunsiiyey
77. Dabadeedna hoog iyo hungiyo ciil ma la huleeshay
78. Tolkaabaa horweyn ku habbanoo haanka loo tolaye
79. Waataa hareertaada bari looga hoy dhigaye
80. Wax hortiina lagu maalayaa kii Hagoogane'e
81. Humbanidan Ogaadeen intaad soo hirgelinaysid
82. Habqankii firxaday Gorord Xirsaa caydh hadaadumaye
83. Iyagaa hiraabtiyo kallaha hiirta waaberiye
84. Haddaad ficil hinaasiday asaad hiilin kari weydey
85. Ma afkaad ku hawl bixi cidlaad ka hanajabaysaaye
86. Afartaa ha'da intaan ka deyey hilin ma qaadsiiyey
87. Caawana hiyiba waa hiyi ee hadal kalaan baanay
89. Inkastoo habkay gobi lahayd iyo hadiyad loo doonto
90. huunbaaqsigu uma ekeeyn Habar Majeerteene
91. Hubsa dhaha Hartigu waa og yahay haarihii Muduge
92. Hiinraaca waa lagu yaqaan hiida doqoneede
93. Hebednimada qaarkeed aday kuu hednoqotaaye
94. Bal inuu hanfade waalan yahay habi la'aantiisa
95. Hadmuu ku hirtey Cali Yuusufkuu humay colaadiisa
96. Ninna haybta kuma raaci karo hooyo aan dhaline
97. Hogagelise cadawgaa bahdiin u handanayseene
98. Imikaad la wada huudanteen hohiyo waydiiye
99. Habaarkii la hele reer Taleex hiifki loo qabaye
100. ku habli'idin hebel toogadaad dad u heshiiseene
101. Waa taa shisheeyuhu hantiyey ma hurtadiiniiye
102. nabsaa ku haya hagardaamo gacal hadimadeediiye
103. Inkastuu higaad qabo haddaan anigu soo haabto
104. Waxaw halisa badaw hayjad galay inuu habaabaye
105. Xaajada badhbaa la hojiyaa huga la saaraaye
106. Haasaawuhu uma ekeyne wuu hadadafaayaaye
107. hulaxumada uunkoo hurduu col u horseedaaye
108. hoosiisku waa qaadi jirey belo hugmaysaaye
109. Waa kaa hilaacii u baxay haatufka ahaaye
110. Kol uunbuu hilawluhu u tumay heello iyo jiibe
111. Dadka kale tashiga waa hojaa kay hadhaw noqone
112. Waxaanu hubsan reer Cali Geraw haa dhawaan jiraye
113. Waa wuxuu wadaadkii ku hodey habar Saleebaane
114. Ayagaa hoggaanka u ahaa hororki waagiiye
115. Halligaa markaad sheegateed hulakadaynaysey
116. Waa taa bah Geri huudiddeen hanadadoodiiye
117. Kuwi Boqorka hadateediyee hiijiyaad tahay
118. Haarti aa badeen baa khaligu hiifayaa welie
119. Maantana hannaankaad waddaa waa halkii abide
120. Dabkaad hurin habeen iyo dharaar halacyadaad oogi
121. Halna kuma xereyside dadkaad ku hawaraysaaye
122. Aduunbaase hor Eebbiyo la tegi halaci naareede
123. Iska hadhaye aakhiroba waa lama huraankiiye
Khaatumo Dib U laabo
Gabaygan inta koobani naga soo gaadhay waxa Salaan u tiriyey nin ay ilmaadeer ahaayeen oo Xirsi Maxamed la odhan jirey. Xirsi wuxu Salaan ka codsatay bal inuu gabayadiisii u mariyo. Salaan oo da'diisu aad u weynaatay Eebbena cimriga u siyaadiyey wuxu Xirsi xasuusinayaa Xaalka Qiyaame. Wuxu Salaan sheegayaa sida uu adduunka uga xiiso dhigay ee uu aakharo iyo Alla ka cabsi ugu go'ay.
Xirsiyoow xarragadeedba dhigay xiiso duniyeede
Is xasuus-shey aakharo haddaan xay markaa ahaye
Xaqu nimuu sugaayaan ahay oon qodan xabaashiiye
Waxay Laxiba Xaw-xaadhataa xerada meesheede
Denbigaan xanbaarsanay sidii xaabadiyo cawska
jeeroon Xublada foosha rido xamilka guudkayga
Nin adduunba xaradhaamadii xooray baan ahaye
Intaanse Mawdku igu xaadir noqon waa xukmi Ilaahe
Xusnul-Khaatumo iyo Toobadaan ku xarbiyaayaaye
Werdigaan xisaabsanahayaa xay intaan ahaye
Naartii Rabboow naga xoree waan xajiyayaaye
Lukaansi Dib U laabo
Gabaygan Salaan Carrebey wuxuu u tiriyey markii uu ka war helay nin seedigii ah in uu soo socdo yaradna ka doonayo salaan oo markaa aad u da' weynaaday. xoola yaraana tabanaya, yaradna aan ugu talo galin in uu bixiyo ayaa gabaygan ka seedigii uga xaal warama in aan halkan uu joogo Salaan aan wax aad keento mooyee waxba kala tegayne haddii aad wax soo wadana noo kaalay haddi aad wax naga doonaysana iska joog haygu soo lu go'in' e. Wuxuuna yidhi:
1. Lukaansi gabay Faaraxaw laaqin ma lahayne
2. Laflafkiyo lahwiga loo tirshiyo jaray lurkiisiiye
3. La'da xarafka laanka iyo ba'daan loyar ku ahaaye
4. Nin awawgii loox ugu dhigoo liilgashaan ahaye
5. Legjar Faranji niman baa akhriya laawis iyo beene
6. Oo waliba laasima intay lib isku moodaane
7. Ase waxan u laaqimahayaa tix ay ku luuqshaane
8. Mar haduu Lilaahida ka baxo waa lisaan jabane
9. Nin labaatan buuxsaday aduun waa lagdamayaane
10. Hadaan anigu loofari aqiin haatan loowlabaye
11. Nin ciradu lamaanaha dhigtoo oo laylyamaan ahaye
12. Lixdan laba iyo toban baan dul maray waana la hubaaye
13. Lafta dhabarka lixaadka i debciyo laafyihii gacanta
14. Lubbigaygu leyl xalay ma ladin laadadyiyo taahe
15. Waataa lanleemada indhaha araggu liitaaye
16. Liiqliiqad baan ahay sidii lulo dabayleede
17. Ma laxiibto geelaba hashii lahantay jiilaale
18. Ku laabudan shisheeye ninkii Laxawsi moodaaye
20. Hadba waxan lacaab riday ragbaa laastay yaradkiiye
21. liibaan Dhulmahantayga helay laalluf-se i moodye
22. Xaqaygaan ku laacibay haday igu lihiimeene
23. Sidaan ugu lalabay waanigaa laayacays badaye
24. Nin laqwiyey tashigu waa ka lalay laguna leecaanye
25. Lammaanaan xadhigi loo tidcay lugi ka toogtaaye
26. Lufan baa ka hadha dawliskii liilsanaan jiraye
27. Hadaan luqunta beri taagi jiray liicday adhaxdiiye
28. Nin laboonti sheegtaba sabaan laarriyaa heliye
29. Xaajadan laciifka ah aday ku lid noqotaaye
30. La fil ma ahi laankiin danbaan duxi lillaynayne
32. Laqantooyo xidid kii horaan laabta ku hayaaye
33. Iminkaan ladhkii weli qabaa laqanyadeediiye
34. Nin yaraan ku loofaray wuxu lumiyay raacdeeye
35. Fardahaba libaadshaha iyo duntaa ladha abiidkoode
36. Rag laacdamaya lool iyo rogaal leexaday is goysay
37. Boodada ma laasimo darmaan leeddo fuulihiye
38. Laanjeertidaan qabo barbaar ladani waa mooge
39. Adigoo lamada awr leh wadin ama liggood keenin
40. Leegleegsadaha waan necbahay laanta dheer sida'e
41. Waar Seedaw haygu soo lug goin lahasho waa ceebe.
Mine Dib U laabo
Gabaygan wuxu salaan tirshey mar nin ay ilmaadeer ahaayeen laga dhacay gabadh. Salaan oo u guntadey ninkaas wuxu dareemay in la hagraday oo Isaaq oo dhammi Burco kaga hiiliyey. Gabadhas waxa la Odhan jirey Qarad Dirir oo uu inaadeerkii qabay balse uu ka qaaday Cawad Khuurshe oo Muuse Carre ah. Salaan Carrabey wuxu damcay inuu Isaaq isku diro oo godobtii qolaba qolada kale ka haysay uu iftiimiyo isagoo weliba u iilanaya dhanka Garxajiska.
1. Dheeldheeltanbaa lagu galay ee dhederbi reer Cawle
2. Waxba kagama dhiidhiyin reer Xirsigan dhelalow kacaye
3. Dhoollaha Bedeey kaga rideen dhagixi Beereede
4. Waa tii waraabuhu dharqaday dhinacyadiisiiye
5. Cabdi Qodaxna waa lagu dhugtamay suu dhalool yahaye
6. Dhaayaha wejiga saanaddii dhab uga qiiqaysey
7. Hadba waxan la dheelimanayaa dhicitinkiisiiye
8. Haddaa Maxamed Dhuubsare u koray dhagarti saarrayde
9. Colujoogna Dhay iyo Karuur kala dhex-joogaaye
10. Wallee gacanta looguma dhaqsado dheehay aadmiguye
11. Nabsi laga dhursugo kii horuu dhawrayaa Arab'e
12. Isagaan dhib qabin Aadan bay wax u dhawaaqeene
13. Dhadhabkaa hurdada kuu warrama dhaasasiyo beene
14. Dhalanteedka waakii la kacay dhuga-la'aaneede
15. Dhabtuu Nabadshe Waranka ugu ridey dhehay Aadmiguye?
16. Dhoodhootankii Celi Siciid dheelli amarkiiye
17. Nimanbaa dharruursaday wankii dhumucda weynaaye
18. Dhig ma jebinin Xaad muusihii dhirifka? waallaaye
19. Raggii Laanta-Dhaankaa la dhigay dhoofna laga sheegye
20. Xasan Xaajigii dhaadan jirey Dhace colaaddiiye
21. Xirsi-Barigan dhaantaynayaa waa dhutinayaaye
22. La dhuyaalyey reer Weyd Siciid dhaawacuu qabaye
23. Waa kaa dhabbiyo Ciil la tegey Dhimil? dushiisiiye
24. Hadduu dhulu-Qarridhay reer Siciid dhaafyey madhixiiye
25. Xasan Daahirkii lagu dhugtumay? dhabannahays reebye
26. Ka dhag siiye cumar Daahirkii Dhaasiyee dilaye
27. Ku dhudhumiye reer Xaamudkii dhiigga fuuqsadaye
28. Raggii dhuubsan jirey eegganay kala dhignaadeene
29. Ay weliba dhood iyo shiriyo dheeryihiin amare
30. Dhallaankooda hadhay jeer danbay dhaxal u reebeene
31. Iyagoon wax loo dhimin kuwii dhag iska siinaayey
32. Dhullaxuba waxbuu kaariyaa dhawr cashoo idile
33. Dharaar keliya buu Reer Xuseen dhigay Sulaaxiiye
34. Kaftankii dhexgalay Ciidagale kala dhaleeceeye
35. Indha-Guba kuwii loo dhuray ee dhamamax loo diidey
36. Dhulka Eebbe leeyahay kuwii lagaga dhaarjiidey
37. Dhalinyaro colmoogaa tashiga laga dhammaasaaye
38. Ugu dhiije Reer Ciisihii soo dhalaashadaye
39. Dhegsiin buu ka helay Reer Gobdoon lamase dhaadayne
40. Dhoobada Suldaankii la dhigay dhaymo lama siinne
41. Dhibtuu qabo hadday ugu dareen weliba dhiidhiiye
42. Wax libaaxu dhacadiidiyaa Gool u dhays bidaye
43. Goortuu dhergaa buu dugaag ugu dhawaaqaaye
44. Ragbaa libinta maantuu dharqado dhaata abidkiise
45. Isagoo dhantacay Faarax Nuur dhuda ma luuqeeyey
46. Haddaad dhimato geeridu marbay nolosha dhaantaaye
47. Dhaqashiyo mar bay kaa yihiin dhereggu xaaraane
48. Dhedigaansho waa ceeb inaad dhamagsataa meele
49. Dhadhan malaha aadmigu wuxu kugu dhalliilaaye
50. Nin dharbaaxo quudheed dugsaday dhaqayaded maalye
51. Dhashaaday sugtaa xaajadaad dhawrataa abide
52. Ma dhurluminin Qaabiil markuu dhacayey Haabiile
53. Dhiibaaji Dumar buu ka kacay dhiriftankoodiiye
54. Dheddigoodku aadmiga horay uga dhawaajeene
55. Cilmi dhuub shantuu dhalayba waa dhacanta loo jiidye
56. Masii dhugan Bah Reer Cali Kobtay kaga dhaqaaqeene
57. Anuunbaa dhaxantu xalay iigu timi dhimirsigii ciile
58. Dhegxumada aniyo baa Masa ah Dheecdan Reer Gude'e
59. Wallee ama Dhilfida laygu xidhay Dhoobo qolof saray
60. Wallee ama Dhulkaba waan ka tegi dhaaban magaciiye
Reer Maxamed Dib U laabo
Ninka ABAAL-LAAWE la baxay ee Salaan Adeerka u ahaa ayaa beri nin Dhulbahante ah si kama' ah (aan ula kac ahayn) u diley. Nimankii Daarood waxay qabteen ninkaas iyo xoolihiisii. Salaan ninkaas waa u guntadey sidii uu u furan lahaa.
Nin Cadaawe Muquunshoo
Magli loo rabinaayoo
Maxbuusoo ku xidhnaayoo
Maqan baannu ogeyne
Ayaa reer Maxamedaay
Meelidaanu? lisayneyn
In rag weerar ku miisayoo
Ka milaalay xeryaayoo
Maalayaanu ogeyne
Ayaa reer Maxamedaay
Maandhaafkii kal horeeto
Hadii aan ka- malyuun
Ama guuto milaalanoo
Maraakiibta sideeda
Madaafiic qallaqaysiyo
Mahiigaan la i siinnin
Madhabtaan ka dhashay
Makruub bay ku jirtaaye
Ayaa reer Maxamedaay
Maandhaafkii laba Faarax
Mawjaddii gudihiinna
Anba jeer an maleegtay
Waataan Ciidan malaykiyo
Macbuudkii Rabbigay iyo
Mursaliinta baryaayeyoo
Carrabkayga macaanbaa
Laga yeelay Maqbuula
Oo maraabo dhexdiinnaan
Kala maadinayeyoo
Macaluul iyo gaajaan
labadiiba mutayood
Marag iigu tihiine
Ninbase xeerku ku -------
Abaalkii la marshaaye
Ayaa reer Maxamedaay
Sammanaa Midigtaydiyo
Haddaan Muuse u yeedho
Isba waa mudankiiyoo
Mandheertaa igu taalla
een la muraara-dilaacay
Wayga maydhi lahaaye
Ayaa reer Maxamedaay
Sida maydhida geeloo
Kii midiidin tiraayey
Maqaarkii ka halleeyey
Oo muxubbooday hadhkiiyoo
Milicdii hadhsan weydey
Mahwigii------Muusanaabahayaa
Kolla lay maqlihayne.
Seeddoow Dib U laabo
Salaan oo ka qabey Axmed Garaad, DHulbahante ayaa isagoo Berbera jooga waxaa u yimi 50 Awr oo safar ah oo ka yimi xiddidkii. Awrtaas safarka waxay ku socotey Salaan Carrabey oo looga fadhiyey inuu soo shixnado. Salaan waxa uu ahaa nin Badmareen ah , ganacsadane ah laakiin wuxuu la yaabay 50 awr oowada socda oo hal nin iska daaye aan Dawladuhu rarin.
Salaan wuxuu iibshey 50 awr, nimankii wadeyna inta uu sii jicsimay buu yidhi dib ugu laabta ooshii ay ka yimaaddeen isagiina wuxuu iska aadey Cadan. Nimankay xididka ahaayeen ariinkaas ma jeclaysan waxayna talo ku gaadheen in Salaan Carrabey loo dilo falka uu sameeyey. Berigii hore waxaa caado ahaan jirtey in haddii la dilo nin Inan-Layaal ah laga dhiibi jirey 160 Halaad oo mag ah. !00 Halaad waxaa lahaa tolkiis, 60 Halaadna reerka uu ka qabo. Shirqoolkaas waxaa lagu go'aansaday in ninkii Axmed Garaad ah ee arka Salaan uu dilo isla markaana Reer Dhooble (Salaan qoyskuu ka qabay) ay dhaafi doonaan 60 Halaad, 100 halaad ee magta ahana tolku qaybsado. Salaan waa ka war helay ariinkaas oo markuu DIbadda ka soo laabtay wuxuu Ganacsi ka dhexfurtay Abtiyaalladii Bah-Ararsame. Muddo ka dib ayaa waxaa Salaan loo soo diray Maxamed DHooble oo seeddigii ahaa si uu u soo khiyaameyo. Salaan arrinkaas waa ku gartay seedigii wuxuuna geedkii shirka ee abtiyaaladii fadhiyeen ka tirshey tixdan gabayga ah. Waxaa loo sheegay Salaan in intii uu ka soo maqnaa ooridiisa uu soo doonay nin yidhi waxan ka dhiibayaa 50 halaad Salaanna gabaygiisa waa ku soo daray arrinkaas.
Wuxu yidhi Salaan Carrabey (Alla ha u naxariistee);
1.Hadal waa gun iyo Maxamedoow gar iyo miisaane
2.Gabayna waan aqaannoo ma jiro nin igu gaadhaaye
3.Kambalkaan gamboolahay tashiga igu galloolaaday
Guntigaan ku gaadhnahay hurdada gama' lay diidey
4.Gooraanka leylkaan sidii galawga yeedhaayo
5.Guubaabadaan tirinayiyo gocashaday haysa
6.Galoof ololka iyo ciilku waa geydha lay badaye
7.Xilku kuma gubee xaajadii kula gudboonaatay
8.mar haddaanay garankaaga jirin aniga goohaygu
9.inaan kaa isaga gaabsadaa go'aye roonayde
10.Caawana af lama gaaxiyee maqal guhaaddayda
11.Gelbis hadduu u kaco INANLAYAAL guushu wa quruxe
12.Geeraarna farasbuu qabtaa geenyo,,,,,, malehe
13.gaaddada Sitaac laga luliyo qoorxidh lagu gaadhay
14.Xakamaha guduudka leh Bustaha gucunku laalaado
15.Hadba neef i soo galay waxaan guudka kaga laalay
16.Waagaan fardaha geynayee gurayey kii xoog leh
Geeleyga waagii aan sidii guluf u qaadaayey
17.lo'da waayadaan gadahayee adhiga goynaayey
18.Jiilaal gardaadsaday abaar gaajo idin hayso
19.Gaadiidka moodka leh waxaan kugu gargaaraayey
20.Waagaan xigaalkay ka go'ay gacaladaan haystey
21.gallad Eebbe weeye waxaan goondhi idin daajey
22.Kama galabsan inu reer tolkaa gado libtaydiiye
23.Geediga haddaan idin wacsaday gobiyo hawsheeda
24.(Gedda) hadaydin ula wada baxden guudcadiyo wiilba
25.Gunta markaa ka qabateen tashiga gedi ma sheelayne
26.Guulkii kal hore ways ogeyn guda faqiiniiye
27.Giddigiinba waa ti aad tashiga gees ka qabateene
28.maxaad ii gorgorin sow raggii ii guntaday miihid
29.afartaasi waa iga gujee gebidhac maw diidey
30.Googooynta iigu ma baxdee geedad ma u waabay
31.SIda galaha roob iyo baddoo guuxi ma u reemay
32.Gaban kalana waan odhanayaa geli calooshaada
33.inan gaadan karin naag kale go'e haddaad mooddey
34.kHaliqigu waa gayaan badanyahee waxan idiin gaatay
35.Ama guunyadaydii u huray geedadsare laace
36.mar haddaanay garawshiinyo xidid gumaradeed joogin
37.isma gaadno oo waxaynu nahay Gaalo iyo ruume
38.Waa Geeriday Ciid waxaan ugu geddoomaaye
39.Anoon gabadintiinii tegeyn gurigi reer Dhooble
40.Qoftaa gacal ahaydeen haddaad garato ii soo rar
41.haddii kale ha guursado ragii guga la sheegaayey
42.Dabadeedna guul waxay dhashiyo godobta aan dhawro
Seben Dib U laabo
Gabaygan aannu dhawrka tuduc ka hayno waxa uu Salaan u tirshey Ooridiisii. Sida gabayga ka muuqata waxay ahayd xilli adag oo abaari dhacday.
Fadlan soo dhamee ........
Naagyahay abaariba ma dhicin Dhiirran ka horoowe
Dhoofkii baddana laysu diid Sebenna dheeraaye
Dhulna xidhan Dhabada Aakhiriyo dhixitin mooyaane
Dhiishii lulnayd iyo la waa dhuulladii Subag'e
Gabay kale oo isna qabyo aha bay naga soo gaadhay erayadani kooban ee uu ilmaadeerradi Xaaji Suudi iyo Baashe Shabeelle ku halqabsanayo;.
Saaxiibbaday baan jeclaa Suudi iyo Baashe
Tolkayow sabaan baa dhacee sabir ha loo yeesho
Wacdi Dib U laabo
Salaan wuxuu gabaygan tirshey markii uu geeriyooday wiil uu dhalay oo la odhan jirey Yuusuf Salaan.
Cabdiyow wadeeciyo adduun way ka bixi waaye
walbahaarka waan kula qabaa wahanna ii dheere
aniguba wax badan baan laqwiyay waalli iyo qooqe
Fircoonkii wasiilada janada waadiyada jeexday
waarsiino abiduu jeclaa waase noloshiiye
rag kalaa waraytad ugu hadhay waxaddii xoolaade.
Wedku kama ajoon Nabiyadii inaga weynaaye
nafle Aadan kama wiil badnayn waana kii dilay
waxyi looma soo rogin Jibriil waagii dabadeede.
Hal la wariyo shiikh iyo wadaad waracadii diinta
culimadu warkay sheegtay iyo waanadaa dhabahe
wacdi nooma laabnee naftaa walaftay shaydaane.
Wajaq cudur warraaq meleg haddaan wilif idhaah caawa
isaguba khalqiga wow wakiil aan waqiis nixine
waji qadab leh weedh kulul hadduu xaqa I waydiiyo
Eebow walaacaan qabiyo waali-nimadaada
waayaha I haystiyo dambiga weelasha I buuxshay
wannakiirka geerida godakaan weyd ka khoof ahaye.
Horay werenweryadu noogu timi waaqladuu yahaye
waxshigii qubuuraha intaad nooga wehel yeesho
Eebow waclada haygu gubin waaqidka cadaabta.
Maantaan waxuushtuna maqnayn waxad intaad uuntay
ee uunku wada waaqif yahay wacadka meecaadka
gaalada wabiinka ah haddii loo waddiyo naarta
Muslim inuu ku wiirsado adigaa wacay dharaartaase
Dadkuna laba waduu raacayaa oo wadaahiya’e
Oon midana mid u weecan karin oo wadaad jarin
Wakhtina ma laha diintiyo kufriga wax u dhexeeyaa
miisaanka inaan waafi iman waazinka xisaabta
aan waladul-khayr noqon haddii Weyne iga yeelo
iyo inaan wallaabida ku dhici wayluntiyo hooga
weecaanta khaatumo waxay noqon waraaqdaydu
waafaqada jeer aan hubsado waan welwelayaaye
warna ma hayo gees ay arini ii wacaal bixine.
marka inaan naftayda u walgamo aakhiraa wacane
waslad maniya baan ahay asaan woofin cahadkiiye
waanwaanta nololeed intaan sido waxoogaaga
wadadii xajkii iyo intaan wadan ka gaadhaayo
weysaysi baa ila gudboon wuduu' salaadeede
Wakhtiga maan tukado geeridaa wajiboo xigiye
Wegen Xille Dib U laabo
Salaan Carrabey ayaa doonay inuu guursado Cawo Dhooble oo Axmed Grad(R Hgr) ahayd. Nimankii uu gabadha ka doonay waxay yiraahdeen Salaanow Faraska WEGEN-XILE ee abtigaa yaradka yuu ka hadhin oo haddaanu la socon Gabadh cidi ku siin mayso. Colaad baa geyiga saamaysay oo Axmed Grd iyo Baharasame waxaa dhex yiiley dhiig badan oo nin door ku idlaaday. Salaan talo ayaa ku caddaatay oo wuxuu sameeyo ayuu garan waayey sababtoo ah niman col ah faras u kala qaadkoodu lama quruxsanayn balse waxaa ka adkaatay doonistii gabadha. Salaan abtigiis ayuu u yimi oo yidhi abti faraskaasaan kaaga fadhiyaa oo gabadhii lagu xidhay. Abtigiis baa yiri"Abti ma ogtahay colaadda nimankaa na dhextaal" "Haa" buu yiri Salaan Carrabey. Abtigiibaa yidhi "Faras aan garaadku bixin ma bixin karee bal aan garaadka la hadalno". Taas oo macnaheedu ahaa Faras lagu siinayaa iska yar. Salaan Wuxu marshey tixdan gaaban oo aan ka hayo.
1. Wanaag maleh Xuseenow adduun la isku waalaaye
2. Haddaad farasku inu weynyihiyo wehel dad moodayso
3. Galab baa Waraabuhu cunaa ama la waayaaye
4. Wajaq cudurna wayskaga dhacaa oofwareen melege
5. Adoo werenweryiyo qayla timi WEGEN-XILaw haysta
6. oo weerar dhacaybuu nin kale weligi fuulaaye
7. Tol widhiidhi galay geed wahdiya ururka waayeelka
8. Wigle jeedal lagu toociyuu warasayoo boodey
9. barbariiqo lagu waabiyuu wadane xiimaaaye
10. Kolkaasay wuxuushtiyo cunaan haad Allaw wacaye
11. Weysaaqa dirireed halkay weehad ololaysey
12. Rag is wada wajiiriyo inkaar waramadoo dhiigle
13. Isagoo wajaqay meelxunbuu wegered gooyaaye
14. markaasuu waraar rag u noqdaa wiiro la lahaaye
15. Weji gacalku waysugu qabtaa shay kastoo wacane
16. Haddaan Walaxdu gurigiina iman kuma wareersheene
17. Wax ku siiyayaa iyo xaggaa kugu wereeyaaba
18. Kolla waari maayee abtoow weris ha lay raacsho.
Abaal laawe Dib U laabo
Gabaygan wuxuu salaan u tiriyey nin uu adeer u ahaa oo uu abaallo badan u galay oo uu markii danbe ee uu Salaan Caydhoobey ugu tegey Nayroobi. Ninkaasi wax tar daaye Salaan buu suuqa u galay oo afxumeeyey. Abaalladii Salaan ninkaa u galay waxaa ka mid ahaa1. In ninkaasi uu si aan ula kac ahayn nin gacantiisa ugu dhintay oo ka dibna Dhulbahante isaga iyo xoolihiisiiba xidheen. Salaan waa kii geeraar ka tiriyey uu Habar Jeclo ku guubaabinayo si ninkaas loo soo furto waana ku guulaystey inuu ninkaa dil kala baxsado. 2. Ninkaas in qolo ka dhacday haweentiisii oo uu Salaan u soo dhiciyey. 3. Ninkaas in mar lagu xidhay Burco inuu Salaan u guntaday oo ka sii daayey. Ninkii Salaan abaalladaas u galay ayaa odayayo dhawr ah shiriyey oo yidhi ninkani dadkuu isku diraaye aan Gaalka u sheegno si loo masaafuriyo. Tan kale markii odayadii tusaaleeyiin in ninka uu sidaa lee yahay abaallo u galay ayuu u celiyey abaalna iima geline raganimadaydaan wax kasta kula soo baxay. Salaan oo aan arrinkaas jeclaysan ayaa tixdan caanka ah marshey.
1. Qaylada xaduurkii ninkay xaraqday laabtaydu
2. Xusul duubka orodkii ninkaan dhab ugu xuurtoobay
3. Ayaa Habar Xabuushay ninkii xiidka la i mooday
4. Guuraha xanbaarada ninkii xagarku ii jeexay
5. Jillabkii xadhaadhaa ninkaan ugu xajiimooday
6. Guutada xamaaska ah sidii Xabasho duullaana
7. Xaddigaa ogeydeen ninkaan xaadir uga yeelay
8. Xildhibaanka Nuur Maxamadkaan kala xadhkaynaayay
9. Xidhkii odayadheerood marki rag is xiniin taabtay
10. Xaraamigii Olol markuu xilafur kaw siiyay
11. Waataan u xuubsaday sidii xuurta baalka lehe
12. Xarbigii shisheeyaha ninkaan xeebashada diiday
13. Dumarkuba xublada foosha way xanaf wareeraane
14. Balse inay xasuus daran yihiin xaylka kale mooge
15. Waxba yaanu xeerkay i marin xoolana i siine
16. Xaasha'e nin libin kaa xistiyey xumihii waa yaabe
17. Doonyuhu xawaal kuma socdaan xeelli karameede
18. Hadduu xananyar leeyahay ayuu xolad hulaaqaaye
19. Farasna wuxu xakama diid noqdaa kolu xaraamaaye
20. cidluunbaan xayuugnahay sidii xuunshadi Gubane
21. Xeegada hadaan dhalin lahaana xoog madaan ahaye
22. Xeer beegti murantaa gartay xeeli hadashaaye
23. Xubin rag isku waajahay haday xayga ka cadaato
24. Afku wuxu la xoog yahay magliga xawda ka jara'e
25. Raguunbaan xisaab talo aqoon xiinna loo diraye
26. Xikaayo iyo baaneba anaan xaraf i seegayne
27. Nin Xukaantu wada naadisoo xaadsadaan ahaye
28. Xafiiskii magaalada wixii xaalad iga gaadhay
29. Xabsigii cadaawaha ninkan xaalan uga saaray
30. Xoolaha markay timi ninkaan xulayey Geelayga
31. Waxba yaanu xeerkay i marin xoolana i siine
32. Xaasha'e nin libin kaa xistiyey xumihii waa yaabe
33. Xoontii walaalaha ahayd xodayadii faayo
34. Xarago qaadadkii Suub markay xiito ololaysay
35. Dartiis baan xanaaq ugu lurriyey xaasidkii Buqule
36. Cabdigii xaruuriga ahaa kamaan xishoonayne
37. Xawdheerta goortaan la baxayna Xaashibay garane
38. Bah reer Dood xigtay ku ahayd kumana xaalayne
39. Hadduu Xaashi curadkii ahaa maba xilsaarayne
40. Xaaskiisa waatuu u raray xididki goor jaane
41. Xinjirtaan wafoobine kolkay xuurtu kor u yeedhay
42. Xisdii inaanan kaa galin tolkaan xog ina moogayne
43. Xasan Nuurna way marag haddii rag isu xaydnaaye
44. Waxba yaanu xeerkay i marin xoolana i siine
45. Xaasha'e nin libin kaa xistiyey xumihii waa yaabe
46. Nimankaan xanaanada lahyn Xaawa iyo Aadan
47. Xigaala an tabacaday Reer Jibriil xarawigii raacye
48. Waayadan xayaad lama kaftamo xaashir nololeede
49. Qasaalkii Xaddiyo kaa dhacaad xinif lahaydeene
50. Xuska dhalasho waa kula sinaa xilase kaa yeelye
51. Xiiraaga goortaan la dhacay xaasil kibirkiiye
52. Ogoobey xidaayadi dartaa kuma xoroowdeene
53. Ninkaygii xortaba kaa dhigaad ximi tidhaahdaaye
54. Xidaar baa khaliqigu ii yaqaan xay iyo maamuse
55. Xamdi baaba lay wada naqaa xeeb haddaan tago'e
56. Sida xayska roob buu nafluhu ii xiddigiyaaye
57. Ooduba xirsiga reerka way bela xijaabtaaye
58. Hadii aniga lay xidho Rabbaa xugunki meel yaale
59. Adiga oo xabeebsaday intaad kun igu xaydaanto
60. Waxba yaanu xeerkay i marin xoolana i siine
61. Xaasha'e nin libin kaa xistiyey xumihii waa yaabe
62. Xintifaalo doqoneed nin ragi waa xaasiliyaaye
63. Xubadaan idiin dhaqanayey baad igu xujeyseene
64. Alayle xurmo hadii aan lahaa waygu xilateene
65. Ragbase kii aad xaradhaamisaa kuu xasaas colahe
66. Xawlal mariiddada mergiga xididadays oojey
67. Feedhaha xidhiidhsamay lafahan xuubku ka idlaaday
68. Jidhkaygii xariirta u eekaa xaaluf quruxdiiye
69. Haduun baan xaraarugay sidii Xamilgab-awryaale
70. Xafta waxaydin ii laba listaan xooxdi la i maalye
71. Ifka intaynu xay nahay hadaynu xiiso kala waynay
72. Aakhiro Rabaa inna xukumi xaqa inoo yaale
73. imikaan nabsiga kuu xaddilan xaynka kuu sudhaye
74. Xagaygii wax dhigo haatanaan kaa xaliil jabaye
Cankabuud Dib U laabo
Nin Cabdullahi Baashe la yiraahdo oo ay Salaan Ilmaadeer ahaayeen ayaa Cadan tegey beri. Wuxuu dareemay in la hagraday oo rag badanoo gabdho ay qaraabo yihiin qabay aysan SOORYEYN. Isagoo arrintaa tilmaamaya ayuu cabdullahi gabay tiriyey ay ka mid ahaayeen erayadan
Salaan Carrabey oo Markaa Cadan ku sugnaa ayaa looga dacwoodey ninkaas. Salaan wuxu Cabdulahi ku yiri gabay kale oo aad arrintaas kaga noqonayso tiri illeen waa ceeboo ragga xil baan isku leenahaye. Cabdullahi Baashe ayaa markaas tirshey gabay uu kaga sii daray eedayntii uu hore u tibaaxay asagoo leh
Dhirta kale haddaad goyso waa gubayo hiireede
Geedkaan garaacnaaba waa Gawlaliyo Jiice
Ilaahbaa gacmaha noogu xidhay maydhax Gumareede
Geesigan ismaaciila iyo Godane mooyaane
Way guur xumaysteen hablii geelle dabadeede
Haddii aanan gaaliyo islaam eedba cid u geysan
Oon seedigay waxa u galo giirka ka caddeeyo
Ma la guban haddaan Geelle Mire sheego gacantiisa
oo uu uga jeedo wax bixintiisa.
Salaan baa gabay halkaa ka qabsaday aanan wada hayn balse ay erayadiisa ka mid ahaayeen.
Cabdillaahi Baashoow cataqay gabay caraadkiise
Maxaad cuni ha joogtee adduun caashaqii dhigaye
Sidan caddadka biluhu tirsaday waan cabsanayaye
Qorrax casarka joogtaan ahoo ciiri dabadeede
Tixda waxan cashuuraba haddaan caynka ka higaadsho
Aniga cayda iiguma baxdiyo ceebta dibadeede
Carradaba nin laga naadiyoo caan baxaan ahaye
Cuqle midu u baxay baad tahoon caabudeyn axade
Cabbaar gabana meel uma fadhidid cisiyo maamuuse
Hadba tol aanu ceesh milix nahaad nagu cadhaysaaye
Caad iyo kancaan iyo samuud cadawyadii diinta
Cantar binu shadaad iyo kuwii coofka kor u taagey
Callaaq baa la sudhay reer Cimaad caro daraadeede
Caqlow dhimoe Cooj-bini-Cunuuq caadda laga yeelye
Casha keliyabaa reer fircoon wiish la caaridaye
Raggii dunida curiyee gudhsaday caadna laga waaye
Cabdalla Xasan waxa soo xasladay caarshe iyo Giibe
Cirkaa lagaga soo degey markay car isu taaageene
Cankabuudka caaradu xidhee lagu cayaaraayo
iyo wiil cartii qaba intuu amar la ceeryoomay
Cindallaahi waa simman yihiin waana laba cayne
Caddad mal leh rijal ladan intay calal ku duubene
Ooy meel cabbaar loo qodqoday kaga carraabeene
Oon camalka mooyee qabriga cid uga yeedhayne
the somali poetry is a surprises peoples in the world and the deference humans, because the somali people are very intelligence and talent peoples.
ReplyDeleteGo forward
ReplyDeleteSalaan Carrabey Ilaahay ha u naxariisto
ReplyDeleteSalan is in the same league with Calidhuh and Qamaan Bulxan
ReplyDeleteasalaan carrabay waxuu ka mid ahaa dadka dhif iyo naadirka ahee dunidan soo maray ilaahay hakuu naxariisto ader
ReplyDeleteH
ReplyDeleteAbwaan weyn buu ahaa illahay ha caafiyo
ReplyDeleteQofkan soo uruuriyay halyeygaas aftahanka ahaa ee taariikhda ballaadhana lahaa gabayadiisa runtii ammaan ayaad mudanthy iyo sharaf ,shaqo fcna waad qabatay
ReplyDeleteIlAAH HAKUU NAXARIISTO ABWAN QAALIYA ILAH JANADIISA FIRDAWSA HAINAGU KULMIYO IDAM ALLAH
ReplyDeleteHow to play Slots with Real Money Online - Casino Sites
ReplyDeleteCasino Sites 바카라 사이트 추천 review, including SlotsMillion, 벳썸 도메인 The Best Casinos, Games, RTPs, 러시안 룰렛 Deposit Methods, Bonuses and more. 강원 랜드 여자 노숙자 Learn more here! 브라 밝기조절
Harrah's Philadelphia Casino & Racetrack - Mapyro
ReplyDeleteHarrah's Philadelphia 남양주 출장샵 Casino & Racetrack. 광명 출장안마 1 Harrah's Blvd 제주도 출장마사지 Chester, PA 의정부 출장샵 18702, 618-317-4611, www.tripadvisor.com 아산 출장마사지